Baydhabo ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Amiin Maxamed Faarax oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay wadaan Mooshin ka dhan ah madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Waxaana uu tilmaamay in Mooshinkan ay saxiixeen 80 ka mid ah Xildhibaanada Koonfur Galbeed, islamarkaana dhawaan ay u gudbin doonaan gudddonka Baarlamaanka Maamulkaasi Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaan Amiin Maxamed Faarax ayaa ku eedeeyay madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan in uu dayacay Maamulkaasi, islamarkaana uu ku fashilmay hoggaanka Maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan Kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed u furmay, kadib fasax ay galeen Xildhibaanada Maamulkaasi.