Jowhar (Sh M Network)—Waxaa maanta xilalkooda iska casilay 13 Wasiir oo ka mid ahaa Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabelle.

Wasiiradan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ujeedka ay uga tanaasuleen xilalkooda ay tahay cadaalad darro uu wado Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiiradan iska casilay xilalkooda ay ka caroodeen ilaa 5 Degmo uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Cosoble, kuwaasi oo markii hore ahaa Degaano.

Dhinaca kale, Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa mooshin ka dhan ah Madaxweyne Cosoble u gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka.

Ugu dambeyn, Guddoonka ayaa sida la tilmaamay aqbalay mooshinkii Xildhibaanada ay ka soo gudbiyeen Madaxweynaha Hirshabelle.