Baydhabo (Sh. M. Network)-Xildhibaan Axmed Maxamed Cali oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in 38 Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas ay Saxiixeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif  Xassan Sheikh Aadan.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Axmed Maxamed Cali in rajo wanaagsan ay ka qabaan in ay sii kordhaan Xildhibaanada Mooshinka ka gudbineyso Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Xildhibaanka ayaa  ku eedeeyay  Madaxweyne Shariif Xassan Sheikh Aadan in uu marin habaabiyay Shuruucdii Maamulka Koofur Galbeed, islamarkaana uu sameystay Xeerar isaga u gaar ah.

Mooshinkaan ka dhanka ah Shariif  Xassan Sheikh Aadan ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii Xildhibaanada Maamulka Hirshabelle ay codka Kalsoonida kala laabteen Madaxweynihii Maamulka Hirshabelle.