Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Cabdiweli Sheekh Cali oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in kulamo siyaasadeed oo looga arrinsanayo xaaladda maamulkaasi ay ka wadaan M/ Muqdisho.

Waxaana uu ku eedeeyay madaxweyne Waare in uu lunsaday Lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo loogu tala galay in wax looga qabto ammaanka deegaanada maamulkaasi.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdiweli Sheekh Cali ayaa intaasi ku daray in ilaalada madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ay bilaabeen in ay handadaan xubnaha Baarlamaanka, kuwaas oo fakir ahaa ka soo horjeeda madaxweynaha.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.