Buurdhuubo  ( Sh. M. Network )-Kulankan oo ahaa mid looga hadlayay amniga magaalada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa waxaa ka qeyb galay laamaha amniga iyo qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin, sida la’isaga kaashan karo xoojinta amniga iyo ka hortagista falal liddig ku ah nabad galyada ee ka dhaca degmadaasi Buurdhoobo.

Qaar ka mid ah shacabkii ka qeyb galay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in amniga Buurdhuubo uu yahay mid la’isku haleyn karo, ayna diyaar u yihiin in ay gacan siiyaan maamulka degmadaasi.

Dhinaca kale taliyaha Saldhigga Booliska degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo Aadan Maxamed Muxumed ayaa dhankiisa sheegay in la dardar galinayo arrimaha amniga iyo dhaqaalaha magaaladaasi.

Waxaana sidoo kale shacabka uu ku amaanay kaalinta ay ka qaateen dhinaca nabad galyada.

Ammaanka degmadan ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, inkastoo mararka qaar weeraro iyo dilal qorsheysan ay ka geystaan Al Shabaab