Jigjiga ( Sh. M. Network )-Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa uu xalay ka dhacay gudaha magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Waxaana ka qeyb galay ma’suuliyiinta deegaanka, Siyaasiyiin, Aqooyahano, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Intii uu socday shirkan ayaa diirada lagu saaray xaaladda dowlad deegaanka Soomaalida, gaar ahaan magaalada Jigjig oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen rabshado xoogan.

Sidoo kale kulankan ayaa waxaa looga hadlay amniga iyo sidii loo xoojin lahaa, si looga hortago rabshado mar kale ka dhaca halkaasi.

Mid ka mid ah xubnihii ka qeyb galay shirkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii laga wada hadlay .

Halkan hoose ka dhageyso Codka.