Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Xukuumadda ayaa maanta looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xaaladda Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran qaar ka mid ah dalalka Caalamka.

Waxaana Warbixin la xariirta Xaaladda Maxaabiistaasi laga dhageystay Wasiirka Cadaalada Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar.

Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre oo kulanka shir guddoomiyay ayaa amray in la bixiyo 1 Million oo ay dowladda Soomaaliya ugu tala gashay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa warbixin la xariirta xaaladda amniga Dalka ka dhageystay ku simaha Agaasimaha hay’adda Nabad Sugida Qaranka, waxaana uu sheegay in ay soo qab qaabteen walxaha qaraxa, sida uu warbaahinta uu sheegay Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirada ayaa maanta Ansixiyay sharciga Qaran ee maareynta musiibooyinka iyo shacriga siyaasadda Qaran ee dhalinyrada.