Muqdisho ( Sh. M. Network )-Golaha wasiirada XFS oo maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay M/ Muqdisho ayaa kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda dalka.

Ugu horreyn xubnaha Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, kaas oo ka hadlay weerarkii dhawaan lagu qaaday xarunta Otto Otto ee magaalada Muqdusho.

Waxaana Golaha Wasiirada ka hor sheegay in weli Wasaaradda amnigu ay wato baaritaano dheeraad ah oo ku aadan, sida uu u dhacay weerarkaasi.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Aadan Isaaq oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay kulankaasi.

Halkan hoose ka dhageyo Codka.