Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta baaqday kulan ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ku lahayeen M/Muqdisho, kaidb markii uu buuxsami waayey Kooramka loogu talagalay in uu ku furmo fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankan ayaa la filayay in Xildhibaanadu ay kaga doodaan Ajandayaasha kala ah akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka Duulista iyo Hawada , iyo akhrinta labaad  hindise sharciyeedka xuquuqda liil tirka siyaasiyiinta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aan loo dul qaadan doonin in Xildhibaanadu ka maqnaadaan fasax la’aan fadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaana uu tilmaamay in lala xisaabtami doono Xildhibaanada maanta baaqday, islamarkaana la yeerin doono magacyadooda kulanka soo socda.

Ma’ahan markii ugu horreysay ee uu Kooram la’aan u baaqdo kulanka Golaha Shacabka, waxaana mararka qaar dhacda in Xildhibaanadu ay soo xaadiri waayaan kulamada caadiga ah, taas oo sababta in ay baaqdaan kulamo ay uga hadli lahaayeen arrimo dhow ah.