Jowhar ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Kooram la’aan uu u baaqday kulan maanta Xildhibaanada Hirshabelle ay ku lahaayeen Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulkaasi.

Waxaana kulankaasi maanta la filayay in la horgeeyo Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulkaasi, si loo Ansixiyo.

Xildhibaan Cabdiweli Sheekh Cali oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in arrimo farsamo aawgeed uu u baaqday kulankaasi.

Waxaana uu tilmaamay in Xildhibaanadu ay ka cabanayaan Mushaaraad ka maqan muddo dhowr bilood ah.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Jowhar ka socday kulamo gooni gooni ah oo ku aadan sidii loo meel marin lahaa Golaha Wasiirada Maamulkaasi oo uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.