Muqdisho ( Sh.M.Network):-War qoraal ah oo soo baxay Kusimaha Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay weerarkii ka dhacay hotelka Saxafi  ee Magaaladda Muqdisho,Isagoo tacsi u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Anigoo ku hadlaya Magacayga iyo kan madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan cambaareynayaa falkii argagisinimo ee galabta dhacay,dadkii ku geeriyooday Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo kuwii uu dhaawac soo gaareyna Caafimaad deg deg ah allaha ha siiyo” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Gudoomiye Mursal ayaa Sheegay in Al-Shabaab ay caadeysatay daadinta  dhiiga Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay mar walba beegsadaan dadka aan waxba galabsan sidoo kalena ay beegsadaan goobaha ay dadka isugu yimaadaan.

Guddoomiyaha Golaha ayaa aad u amaanay ciidanka Amaanka Qaranka oo mar walba naftooda u huraya badnaadinta dadka Soomaaliyeed iyo ka hortaga dhagarta kooxaha aragagixisada ah ,wuxuuna ku baaqay in loo midoobo la dagaalankooda islamarkaana meel looga soo wada jeesto si loo cirib tiro maadaamaa hadaba ay naf lacaari yihiin.

“Waxay dad Shacab ah  qarxiyeen iyadoo ay tahay maalin jimca ah oo ah maalin ka duwan maalmaha kale sidoo kale ay ciid u tahay dhamaan dadka muslimiinta ah waa koox caadeysatay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,waxaana dadka Soomaaliyeed  ugu baaqayaa in ay u midoobaan la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah”  Ayuu yiri Kusimaha Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka.