Kuwait ( Sh. M. Network )-Kadib kulan ay ku wada qaateen Dalka Kuawait Ra’iisul wasaare ku xigeenka, Ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaaasi Sheekh Sabax Qaalid Al Xamad iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kuwait Cabdulqadir Amiin Abu Bakar ayey kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xariirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa wasiir ku xigeenka arrimaha dibada ee Kuwait iyo kaaliyaha Wasaaradda Arrimaha ee dalkaasi.

Ra’iisul waasaare ku xigeenka, Ahna Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kuwait ayaa ballan qaaday in ay diyaar u yihiin, sidii loo sii wadi lahaa taageerada kala duwan ee ay siyaan dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale war ay qortay Wakaaladda wararka ee KUNA ayaa lagu sheegay in hay’adda Bisha Cas ee dalkaasi dalal ay ku jirto Soomaaliya ay la saxiixatay heshiis ay mashaariic gargaar bani,aadanimo ay uga fulineyso dalalkaasi

Kuwait ayaa ka mid ah dalalka sida dhow uga gacansiiya dowladda Soomaaliya dhinacyo badan, iyadoona  ay xusid mudan tahay kaalinta ay Kuwait  ka qadatay  Caawinaadii loo fidiyay dadkii ku waxyeloobay qaraxii 14 bisii October ka dhacay magaalada Muqdisho