Baladweyne ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in markale Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolkaasi laga diiday isticmaalka Lacagta Shilinka Soomaaliga.

Waxaana lagu soo warramayaa in Ganacsatadu gabi ahaanba ay diideen in wax looga iibsado Shilin Soomaaliga, iyadooo haatan deegaanada Gobolka Hiiraan wax lagu kala iibsanayo Lacagta Dollarka Mareykanka.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali  oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in arrintan ay soo laabatay markale , islamarkaana Maamulku uu wado dadaalo wax looga qabanayo diidmada Lacagta Shilinka Soomaaliga ee Gobolkaasi Hiiraan.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.