Tucson ( Sh. M. Network )-Lamaanahani oo lagu kala magacaabo Maxamed Cabdiraxmaan Cusmaan oo 28 jir ah iyo Zeynab Cabdiraxmaan Maxamed 25 Jir ah ayaa lagu xiray magaalada Tucson gobolka Arisona ee dalka Mareykanka.

Muwaadiniintani Soomaaliyeed ayaa lagu eedeeyay in ay xariir la leeyihiin Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya iyo in ay warbixin qaldan siiyeen hay’adda socdaanka ee dalkaasi.

Maxamed Cabdiraxmaan Cusmaan ayaa lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay  Al Shabaab, islamarkaana la sheegay in uu  qirtay in uu ka soo barbar dagaalamay.

Sidoo kale waxaa uu qirtay in uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay Suuq ku yaalla Soomaaliya, xili uu farsamaynayay qaraxaasi sanadii 2009-ki i, sida ay sheegeen saraakiisha Booliska ee dalka Mareykanka.

Haweeneyda u dhaxada ninkaasi ayaa iyadana lagu eedeeyay in ay warbixin qaldan ka gudbisay ninkeeda, iyadoo bedashay magaciisa iyo weliba dhalashadiisa, islamarkaana sheegtay in uu ka soo jeedo Ethiopia.

Lamaanahan ayaa la xiray, iyadoona lagu wareejiyay hay’ad FBI-da Mareykanka iyo kuwa la dalaalanka waxa loogu yeero Argagixisada ee dalkaasi.