Tripoli ( Sh. M. Network )-Dowladda Liibiya ayaa sheegtay in Sanadkani ay si weyn hoos ugu dhaceen tirada Tahriibayaasha ee sii mari jiray dalkaasi, marka la barbar dhigo Sanadkii hore ee 2017-kii.

General Maxamuud Bishaar oo ah Afhayeen ka tirsan dowladda Liibiya, kana mid ah Waaxda ka hortaashii ay ku soo qaban jireen howlgalladooda.

Waxaana uu xusay in bishii May Sanadkii hore ay qabteen illaa 27,000, halka Sanadkan ay gacanta ku dhigeen 5,200 oo Qof,  taas oo muujineyso in uu jiro farqi weyn oo hoos u dhac ah

Taliyaha ayaana intasi ku daray in arrintaasi ay kaalin weyn ka qaadatay dadaallada dib u celinta oo ay Muwaadiniintooda u sameeyen dalal dhowr ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weli Muwaadiinta ka soo kala jeeda dallka Ethiopia, Soomaaliya iyo Eretria ay ku sugan yihiin dalka Liibiya, kuwaasi oo Qaramada Midoobay ay qorsheyneyso in ay dib ugu celiso qaar ka mid ah dalalka Africa.

Dalka Liibiya ayaa dhibaato xoogan loogu geystaa Muhaajiriinta ay ka mid yihin kuwa Soomaaliyeed, iyadoona jir dilka joogta ah ay u sii dheer tahay in loo iibsado sida xoolihii oo kale.