Muqdisho ( Sh.M.Network):-Boqortooyada Sacuudi Arabia ayaa ku dhawaaqday in Maalinta Berri ah la dhameystiri doono 30-ka Bisha Shacbaan , taas oo ka dhigan in Khamiis ay tahay 1-da Bisha Ramadaan.

Maxkamadda sare ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaaday in maadaama aan la arkin Bisha Ramadaan la dhameystirayo 30-ka bisha Shacbaan ,islamarkaana maalinta xigta ee Khamiista ku beegnaan doonto 1-da Ramadaan.

Dhinaca kale Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa shaacisay in maalinta berri ay tahay 30-ka bisha Shacbaan, maalinta Khamiistana ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan

Inta badan Muslimiinta Caalamka ayaa baadi goob ugu jiray caawa aragtida Bisha Ramadaan hayeeshee Bisha Shacbaan ayaa ku dhamaatay 30, oo ku beegan maalinta berri.