Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waaxda Caafimaadka dowladda hoose ee Xamar iyo qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa maanta duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho ku gubay Daawo dhacday oo dhawaan lagu qabtay Dekedda Muqdisho.

Dawadan ayaa la sheegay in ay soo dhiibeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalalka Ingiriiska iyo Kuwait, iyagoona ugu talagay dadka qaba baahyaha gaarka ah.

Afhyeenka maamulka g/ Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in  ay cadow ay u aqoonsan doonaan shaqsiyaadka dalka soo galiya waxyaabaha dhaca.

Waxaana uu tilmaamay Afheeynka maamulka gobolka Banaadir in ay wax ka qaban doonaan arrimahaasi.

Dhawaan ayey ahayd markii mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobalku ay booqdeen Dekedda Muqdisho, kuwaas oo ku soo arkay Daawooyinkan dhacay, amrayna in la gubo.