Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa sheegay in ay wadaan qorshe lagu xalinyo khilaafka u dhaxeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Eng Yariisow ayaa xusay in kulan uu la qaatay guddi gaar ah oo ay soo dirsadeen Ganacsatada, islamarkaana ay ka wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa khilaafkaasi.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in maamulkiisu wax ka qaban doono cabashada ganacsatada gobolka Banaadir oo keentay in uu xirmo Suuqa Bakaaraha ee M/ Muqdisho.

 Halkan hoose ka dhageyso Codka.