Baladweyne ( Sh. M. Network )-Maamulka gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay qarax Miino oo xalay ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Dabaashe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaasi uu ka dhacay nawaaxiga Garoonka Ugaas Khaliif ee magaaladaasi.

Waxaana uu tilmaamay in uu ku qaraxay ruuxii aasayay oo xusay in la aqoonsaday, islamarkaana uu Macallin ka ahaa School ku yaalla magaaladaasi Baladweyne.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.