Wasiirka dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug, Maxamed Coloow ayaa waxuu faah faahin ka bixiyay xiisado colaadeed oo muddooyinkii dambe ka oloosnaa Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Wasiir Coloow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in Maamulka Galmudug uu ku baxay islamarkaana ay qorsheynayaan sidii wadahadal labada dhinac la isugu keeni la haa.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Wasiirka waxuu tilmaamay in dib ay u soo celiyeen Gaadiid ay qafaasheyn ka mid ah beelaha isku hayay Degaanada hoostaga Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

“Waxaan ugu baaqnay labada dhinac in ay meel isugu yimaadaan islamarkaana wada hadal ay ku dhameeyaan wax ay kala tabanayaan”, sidaasi waxaa yiri Wasiir Coloow.

Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa inta badan waxaa ka dhaca colaado qabaa’ileed oo u dhaxeeya Dadka halkaasi wada degga, iyadoona khasaaraha ugu badan uu gaaro Shacabka.