Muqdisho (Sh. M. Network)-Iyadoo tiro dhowr jeer ah Dab uu ka kacay Suuqa Wey nee Bakaaraha ayaa madaxda Maamulka Gobolka Banaadir waxa ay sheegeen in qorsho cad oo ay kaga hortagayaan dabkaasi ay diyaariyeen.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir Cabdullaahi Cilmi Xaaji Ereg oo wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa tilmaamay in qorshahaan uu kala hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir islamarkaana ay kula noqon doonaan Ganacsatada.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Cabdullaahi Cilmi Xaaji Ereg ayaa tilmaamay in dhbibaatadaas soo noq  noqotay ay u raadinayaan xal kama dambeys ah.

Habeen ka hor ayey ahayd markii Dab kale uu ka kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha , waxaana siyaabo Isxig xigay Dab uga kacayay Goobo Ganacsi oo ku yaalla Suuqaasi Bakaaraha,mana jirin hanaan Istiraatijiyadeed oo looga baaraan dagay si mar kale aanu dabku uga kicin gudaha Suuqaasi.

Hase’ahaatee waxaa laga dhur sugi doonaa qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir uu uga hortagi doono in Danb uu ka kaco Suuqa Bakaaraha maadaama tiro dhowr Jeer Dab Suuqaasi ka kacay ay ku hanta beeleen Ganacsato badan oo Soomaaliyeed.