Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ciidamada Ammaanka degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir ayaa xalay howlgal ballaaran waxa ay ka sameeyeen xaafadaha degmadaasi kadib dil Nin Ganacsade ahaa loogu geystay Xaafadda Koodka ee degmada Xamar Weyne kaas oo lagu Magacaabi jiray Aweys Mackoo.

Howlgalka ayaa lagu soo qab qabtay tiro dhalinyaro ah oo lala xiriirinayo falkaasi dilka ah ee xalay ka dhacay degmada Xamarweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Engineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ka hadlay howlgalkaasi ayaa uga mahad celiyay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed sida deg dega ah ee ay uga jawaabeen falkaasi una soo qabteen dadka la tuhunsan yahay.

Maalmihii u dambeeyay waxaa Magaalada Muqdisho ku soo kordhayay falalka dilalka ah oo ay geysanayaan Kooxaha Bastooladleyda ah.