Baladweyne ( Sh. M. Network )-Sheekh Xuseen Cismaan Cali Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka hiiraan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyay kulan uu Maamulku la qaaday Ganacsatada Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolkaasi Hiiraan.

Waxaana uu tilmaamay in ay ka wada hadleen arrimaha diidmada Lacagta shilinka Soomaaliga ee ka taagan Deegaanada Gobolkaasi, kadib markii ganacsatadu ay diideen in wax looga iibsado Lacagaha Shilinka Soomaaliga.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Hiiraan ayaa digniin adag u diray Ganacsatada, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Maamulku uu tallaabo qaadi doono, haddii ay markale soo noqoto diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga ee Gobolkaasi.

Halkaan hoos ka dhageyso Codka.