Afgooye ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan oo ku labisan dareeska ciidamada dowladda ay dhac iyo boob ka geysteen Nawaaxiga deegaanka Bariire ee Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah ayaa lagu soo warramayaan in maleeshiyadkaasi ay u geysteen dhac xoogan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in labo ka mid ah Haween saarnaa gaariga ay kufsi kula kaceen Raggaasi.

Dadka deegaanka ayaa Idaacadda Shabeelle u sheegay in dadkaasi oo ka soo jeeda deegaanka Janaale ee isla Gobolka Shabeelaha Hoose laga qaatay Hanti fara badan, islamarkaana qaar ka mid ah Haween la socday rakaabkaasi Kufsi loo geystay.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda ee maamulka Gobolka Shabeelaha hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Shabelle ayaa xaqiijiyay in Haweeney lagu kufsaday nawaaxiga Bariire, islamarkaana gaari ay saaranayeen dad shacab ah dhac xoogan loogu geystay halkaasi.

Waxaana uu sheegay in ay baaritaan ku hayaan dhacdadaasi, islamarkaana ay ku raad joogaan Raggii ka danbeeyay falkaasi.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa hoosta ka xariiqay in baaritaankaasi waxa ka soo baxa ay la wadaagi doonaan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, si tallaabo waafaqsan sharciga looga qaado Raggaasi.

Dhibaatooyinka ka jira Gobolka Shabeelha Hoose ayaa loo sababeeyaa colaad Beeleedyo ka jira gobolkaasi, waxaana inta badan ka dhaca gabood fallo ka dhan ah Bani’aadanimada, oo ay geystaaan maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan Gobolkaasi.