Muqdisho ( Sh. M. Network )-Agaasimaha Isbitaalka Madiina Maxamed Yuusuf oo maanta wariyeyaasha kula hadlay gudaha isbitaalkaasi ayaa ka warbixiyay xaaladda caafimaad ee dhaawacyadii Shalay, Xalay illaa Saakay la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana uu sheegay in ay diiwaan galiyeen 71 Qof oo qaba dhaawacyo kala duwan, islamarkaana dadaal dheer, kadib dhaqaatiirtu ay ku guuleysteen in dadkaasi intooda badan xaaladooda caafimaad ay wax ka qabtaan.

Sidoo kale agaasimaya ayaa sheegay in hada Isbitaalka ay ku jiraan 46 bukaan oo ka mid ahaa dadkii shalay waxyeeladu ay ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee Degmada Hodan.

Dhinaca kale guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/laaahi ayaa maanta booqday Isbitaalka Madiina, Isaga oo caafimaad deg deg h  Alle uga baryay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Shalay ee haatan lagu dabiibayo Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ciidamada ammaanka ku soo war galiyaan wax kasto oo ay ka shakiyaan, si aysan u dhicin dhibaatadii shalay ka dhacday Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.