Baladxaawo (Sh M Network)—Wasiirka Wasaarada Amniga ee Maamulka Jubbalannd, C/rashiid Janan iyo Wafdi u badan Saraakiil Ciidan ah ayaa gaaray Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Wasiir Janan ayaa markii uu gaaray Magaalada Baladxaawo waxuu amray in xabsi loo taxaabo 5 Askari oo ka mid ah Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.

Xariga Askartan ayaa yimid kadib markii lagu eedeeyay in ay gacan ku siiyeen Xoogaga Xarakada Al Shabaab Weerarkii qorsheysnaa ee lagu qaaday Xerada Ciidamada Maamulka Jubaland ay ku leeyihiin Magaalada Baladxaawo.

Weerarkaasi oo mid xoogan ayaa Xarakada Al Shabaab waxey sheegeen in ay ku dileen 30 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Maamulka Jubaland, halka kuwa kalena uu dhaawac ka soo gaaray.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in ay maalmihii ugu dambeeyay ay baaritaano ku hayeen qaabka uu u dhacay Weerarkaasi, islamarkaana haatan loo xiray 5 Askari oo malitariga Soomaaliya ka tirsan.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Xooga Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo oo ku aadan xariga Askartaan iyo eedeymaha la xiriira in ay ku lug la haayeen Weerarkii ka dhacay Magaalada Baladxaawo.