Taliska Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa maanta isagoo jeebaysan Puntland u dhoofiyay Eedaysane Abdirisaaq Warsame Axmed oo kufsi iyo dhaawac Magaalada Boosaaso ugu gaystay Gabar Soomaaliyeed.

Eedeysanaha ayaa dhawaan waxaa lagu qabtay Magaalada Kismaayo kadib markii halkaasi ay howlgallo ka sameeyeen Ciidamada Booliska.

Saraakiisha Booliska Jubaland ayaa sheegay in eedeysane Cabdirisaaq laga duuliyay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulka Jubaland, Axmed Madoobe ayaa ku baadiyay talaabada Booliska Jubaland ay ku soo qabteen eeseysane Cabdirisaaq.

“Waxaan aamanayaa Ciidamada Booliska Jubaland ee soo qabtay ninkii ka dambeeyay kufsi ka dhacay Degaanada Gobolka Mudug”, sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynaha ayaa xusay in la abaalmarin doono askartii soo xiray ninkaasi.

Geesta kale, Saraakiisha Booliska ee Degmada Luuq ayaa gacanta ku dhigay labo ruux oo sida la sheegay sitay waxyaabaha qarxa.

Ugu dambeyn, Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in raggan lagu hayo saldhig boolis oo ku yaalla Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.