Baydhabo ( Sh. M. Network )-Shariif Xuseen Roobow oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Magaalada Baydhabo ay xireen 3 Siyaasi, kadib shir ay ku lahaayeen Magaaladaasi.

Waxa uu sheegay Shariif Xuseen Roobow in kulamo ay uga tashanayaan aayaha Koonfur Galbeed ay ka wadeen maalmihii dambe Magaalada Baydhabo sidaas daraadeed qaab aan sharci ahayn loo xiray Seddexdaasi siyaasi, maadaama ay xaq u leeyihiin in ay ka hadlaan dhibaatooyinka ka jira deegaanadooda.

Dhinaca kale wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed oo aan wax ka weydiinay xariga siiyaasiyiintaasi ayaa waxa uu sheegay in muddooyinkii danbe ay wadeen howlgallo ay ku xaqiijinayaan nabad gelyada, islamarkaana ay cidna uga Aaba yeeli doonin in ay dhibaato qal qal amni ka sameeyaan deegaanada maamulkaasi Koonfur Galbeed.

Tan iyo wixii ka danbeeyay doorashooyinkii Aqalka Hoose ee Koonfur Galabeed ayaa waxaa jiray muranno siyaasadeed oo ka dhashay doorashooyinkaasi, taasi oo keentay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanadaasi ay bilaabaan abaabul ka dhan ah madaxweyne Shariif Xasan.