Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xilli saacadihii ugu dambeeyay ay soo baxayeen warar ku aadan in agab ay lahayd Dowladda Imaaraadka Carabta lagu celiyay Dekedda Muqdisho ayaa waxaa arrimahaasi beeniyay Maareeyaha Dekedda Axmed Washington.

Waxaana uu sheegay, isagoo la hadlayay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah.

Axmed Washington ayaa xusay in Alaabtaasi ay u rarneyd shaqsi Ganacsade ah, waxaana uu meesha ka saaray in Dekedda lagu xanibay Agabkaasi.

Balse waxa uu hoosta ka xariiqay in Alaabtu ay kala dhineyd, haatana la soo dhameystiray, islamarkaana uu la bixi karo Ganacsadahaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka