Muqdisho ( Sh. M. Network )-Hooyo Madiino Maxamed Maxamuud oo dhashay Dhibane Xaashi Cumar Xasan oo muddo ku dhawaad 20 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga, kadib Eedeymo la sheegay in ay been abuur yihiin uu ku soo oogay Maareeyaha haatan ee Dekedda Muqdisho Axmed Washington ayaa si kulul uga hadashay in shaqsigii Wiilkeeda u gacan geliyay dowladda Talyaaniga in dowladda haatan oo loogu Magac daray dowladdii shacabka ay xil u dhiibto.

Waxaana Hooyo Madiino Maxamed Maxamuud ka war bixisay sida Axmed Washington Maareeyaha dekedda Muqdisho wiilkeeda ugu gacan galiyay dowladda Talyaaniga, iyadoo sheegtay in dad kale oo uu adeegsaday in Marag beenaalayaal u noqdaan ay uga soo hoyden dhibaatadii wiilkeeda loo geystay, balse Maareeyaha Dekedda Muqdisho Axmed Washington in uu u soo hoydo iska daaye uu billaabay in iyadoo qof da’ ah uu handado, isagoo ku andacoonaya in uu yahay Masuul dowladeed sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale Hooyo Madiino Maxamed Maxamuud ayaa ku cataawday in Muddo 19 sano ka badan ay la ilmeyneysay dhibaatada uu u geystay Maareeyaha haatan ee dekedda Muqdisho Axmed Washington  oo wiilkeeda ay tilmaamtay in uu u gacan galiyay dowladda Talyaaniga, isagoo dambiyo been abuur ah ku oogay xilligaas, balse nasiib wanaag ay u gurmadaan Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Hooyo Madiino Maxamed Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in Mudadaas 19 sano dowladihii dalka soo maray aysan wax gacana ka helin, balse aysan wax u dhimin hase ahaatee dowladda haatan ayey tilmaamtay in ay ku dhaliilsan tahay in ay xil u Magacaabaan Axmed Washington shaqsigii ka dambeeyay in Wiilkeeda dowlad Shisheeye loo gacan galiyo, taas oo ku beertay shaki ah in Gefka uu ka galay wiilkeeda xilkaan loogu abaal mariyay sida ay tiri.

Meereeyaha Dekedda Muqdisho Mudane Axmed Washington ayaa waxaa si aad ah u hareeyay Fadeexadani ka heysata Qoyska Dhibane Xaashi Cumar Xasan, iyadoo haatanna lagu eedeeyay in uu Handado Hooyo Madiino Maxamed Maxamuud oo dhashay dhibanahaasi, isagoo ugu awood sheeganaya Xasaanada dowladda Soomaaliyeed, taas oo haatan noqotay hadal heynta ugu badan, maadaama dowladda haatan loo aqoonsan yahay dowladda Shacabka , waxaana laga war sugi doonaa sida dowladda Madaxweyne Farmaajo uga fal celiso arrintaan.