Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta shaqada si KMG Ah looga joojiyay maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle Jaalle.

Kadib wareegto uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed C/laahi Omaar, kuna taariikheysneyd 9-ka bishan July oo shalay ku beegneyd ayaa lagu sheegay in shaqadii looga joojiyay mas’uulkaasi.

“Laga bilaabo 9 bishan July ee sanada 2018-ka waxaa laga joojiyay shaqadii iyo saxiixii Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Mudane Yuusuf Cabdi Cabdulle Jaalle “ ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa wareegtada lagu sheegay in xilkan si KMG uu u sii heyn doono Maareeye ku xigeenka Hay’addaasi Mudane Axmed Macalin Xasan.

Lama shaacin sababaha ka dambeeya tallaabadan, hase’ahaatee waxaa muddooyinkii dambe jiray muran xoogan oo ka dhashay is qab qabsiga arrimaha Xajka.

Halkan hoose ka Akhriso:-