Boosaaso ( Sh. M. Network )-Kooxo ku hubeysanaa Bastoolado ayaa xalay Maareeye ku xigeenkii shirkadda Goolis ku dilay gudaha M/ Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/laahi Cumar Cali, iyadoona kooxihii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta isaga baxsadeen.

Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah Marxuumka ayaa la dilay, xilli uu ka soo baxay Salaada Cishaha kadib.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland ayaa gaaray meesha uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay in ay ka dambeysay masuuliyadda dilkaasi loo geystay Maareeye ku xigeenkii shirkadda Goolis ee deegaanada Puntland.

Dilkan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe ammaanka magaalada Boosaaso uu ahaa mid dagan.