Wajeer ( Sh. M. Network )-Macalimiinta illaa iyo 15 Dugsi oo ku yaalla Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay ka carareen magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Qaar ka mid ah Macalimiintaasi ayaa sheegay in sababo la xiriira dhinaca amniga ay kaga tageen Dugsiyada ay wax ka barayeen ee ku yaalla deegaano ku dhow xadka Soomaaliya

Arintani ayaa ka dambeysay kadib markii dhawaan dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari ku dileen 3 Macalin oo Kenyan ah.

Sidoo kale Macalimiinta ayaa sheegay in aysan ku soo laaban doonin gobolka Waqooyi Bari iyagoo dowladda ka dalbaday in ay xaqiijiyaan ammaanka gobolkaasi oo ay inta badan weeraro xoogan ka fuliyaan Al Shabaab.

Weli qaar ka mid ah Dugsiyo waxbarasho oo ku yaalla deegaano ku dhow Xadka Soomaaliya ayaa xiran kadib markii Macalimiinta Dugsiyadaasi ay ka baxsadeen weerarada Al Shabaab.