Muqdisho (Sh M Network)—Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay maadaafiic ku hoobtay Degmada Wardhiigleey ee Magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan midkooda ayaa ku dhacay nawaaxiga Isgooyska labo –Dhagax ee Degmada Wardhiigleey, kaasi oo dhaliyay khasaaro u badan dhaawac.

Goobooje la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in hoobiye uu ku soo dhacay maqaaxi ku taalla nawaaxiga Isgooyska, islamarkaana ay halkaasi ku dhaawacmeen ugu yaraan 5 Ruux.

Dadkii uu dhaawaca soo gaaray ayaa loo qaaday isbitaallada Muqdisho ku yaalla, si halkaasi xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.

Weli lama oga halka laga soo tuuray hoobiyahaasi iyo halka uu bartilmaameedku ahaa.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo  baxay Saraakiisha Amaanka iyo kuwa Maamulka Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir oo ku aadan hoobiyahaasi.