Muqdisho ( Sh. M. Networkj)-Munasabad weyn oo lagu xusayay maalinta Calanka ee 12 October ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka Kubadda Koleyga Aadan Xaaji Yabaroow Wiish degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Waxaana ka qeyb galay Munaasabaddaasi ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, xildhibaano, wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo boqolaal dadweyne ah.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo khudbad dheer ka jeediyay Munaasabadda ayaa marka hore shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Sanad guurada 63 aad ee ka soo wareegatay markii la taagay Calanka Soomaaliyeed, isag oo Qof kasto oo Soomaali ah kula dardaarmay in uuu istaago dhowrista Calanka.

Waxaana uu boogaadiyay kaalinta dhalinyarada ee haatan ka qaadanayaan dowladnimada iyo dadaalka loogu jiro hormarka dalka.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa si kulul uga hadlay xaaladda Siyaasadeed ee haatan uu ku jiro dalka, oo uu sheegay in Qofna aan laga ogolaan doonin dhaliil wax loogu dhimayo dalka, laguna niyad jabinayo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaana hoosta ka xariiqay in ay jiraan shaqsiyaad doonaya in ay dumiyaan dowladda, oo uu san shaacin magacyadooda, balse uu xusay in dowladda Soomaaliya ay ka hortagi doonto wax kasto oo dhibaato ku ah dalka iyo dadka.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaliyeed in ay garab istaagaan dowladda, lana shaqeeyaan, si looga gudbo marxaladaha haatan uu ku jiro dalka.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-