Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa maanta oo Jimco ah wuxuu ka ambabaxay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, isaga oo kusii jeeda wadanka Itoobiya.

Garoonka waxaa kasii sagootiyay masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyadda oo uu u jiro Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda Cabdinuur Maxamed Axmed oo socdaalka Madaxwaynaha fahfaahin ka bixiyay.

Agaasime Cabdinuur ayaa sheegay in Madaxwayne Farmaajo uu ka qaybgalayo shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan hogaamiyaasha dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

Shirkaan ayuu daboolka ka qaaday in diirada lagu saari doono horumarada laga sameeyay heshiiskii nabada oo ay wadamadaan saxiixdeen labo bilood kahor, kaasi oo is-dhexgalka dalalkaan lagu xoojinayo.

Tan iyo markii la doortay 8-da bishii Febraayo ee sanadkii 2017, Madaxwayne Farmaajo ayaa dalal kala duwan ku bixiyey booqashooyin kala duwan, kuwaasi oo dhamaantooda ay kasoo baxeen arrimo wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.