Muqdisho ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha Galmudug  Axmed Ducaale Geelle Xaaf  ayaa soo dhaweeyay La wareegista Maamulka Hawada Soomaaliya.

Waxa uu xusay Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf in ay tahay Tallaabo Muhiim ah oo horay loo qaaday.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay soo celiyaan diyaaraddii Soomaali Airline.

“ waa Fududahay in la soo celiyo diyaaraddii Soomaali Airline ee dalka uu lahaa” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Inta badan qeybaha Bulsho weynta Soomaaliyeed ayaa si diiran u soo dhaweeyay la wareegista dowladda Federaalka ee Maamulka Hawada Soomaaliya.