Cadaado (Sh M Network)—Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa ku dhawaaqay Golaha Wasiirada cusub ee Maamulka Galmudug.

Waxaa uu Madaxweyne Xaaf uu magacaabay 22 Wasiir, 22 Ku xigeeno iyo 8 Wasiiru Dowle, sida lagu shaaciyay shir jaraa’id oo lagu qabtay Magaalada Cadaado.

Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) oo ah Agaasimaha Madaxtooyada Maamulka Galmudug, ayaa Saxaafadda u akhriyay magacyada Golaha Wasiirada cusub kadib shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Cadaado.

Ugu dambeyn, Mdaxweynaha Maamulka Galmudg ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay codka kalsoonida siiyaan Golaha Wasiirada cusub ee uu ku dhawaaqay.