Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta oo isniin ah si rasmi ah u furaya kalafadhiga afaraad ee Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Furitaanka kalafadhiga afaraad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya,Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan,Xildhibaanada Baarlamaanka,xubno ka socda Beesha caalamka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu Khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka kalafadhiga afaraad ee Golaha shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa horay u iclaamiyay in 10-ka bishan September ee sanadkaan uu furmayo kalafadhiga afaraad ee Golaha Shacabka,waxaana Xildhibaanada horyaala howlo muhiim  u ah dalka.