Baydhabo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha maamulka K/ Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan oo la hadlayay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in madaxda maamul goboleedyadu ay xiriirka u jareen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda dhexe ay la shaqeyn waayeen, taasina ay keentay in ay joojiyaan wadashaqeyntii ay la lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday arrimaha federaalisamka, isagoona shacabka ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbed ugu baaqay in ilaashadaan maamulkooda.

Sideedii bishan ayey aheyd markii ay madaxda maamul goboleedyadu ku dhawaaqeen in ay hakiyeen wadashaqeyntii kala dhexeysay DFS, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.