Muqdisho (Sh. M. Network)-Ex Xildhibaan Aamino Muuse oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu hurinayo Colaad beeleedyada ka taagan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaana ay hoosta ka xariiqday in Coladaha ka aloosan Gobolkaasi Shabeelaha Hoose ee u dhexeeya Labo Maleeshiyo Beeleed oo walaalo ah marnaba uusan qorshaha ku darsan in uu kala dhex galo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Hadalka Ex Xildhibaan Aamino Muuse ayaa yimid xilli ay colaad beeleedyo ku soo noq noqdeen Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

Mana muuqdaan dadaallo wax looga qabanayo colaadaasi oo ay sameeyeen dowladda Dhexe iyo Maamulka Koofur Galbeed intaba, si xal waara looga gaaro wax ka qabashada dagaaal beeleedyadaasi.