Qaahira (Sh. M. Network)-Madaxweynaha Dowladda Masar Cabdifitaax Al Siisii ayaa waxuu sheegay in ay sameyn doonaan wax waliba oo lagu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wakaalada Wararka ee Dowladda Masar ayaa sheegtay in Madaxweyne Al Siisii uu soo dhaweeyay horumarada dhanka amniga ee laga sameeyay Soomaaliya.

Waxaa labada Dowladood ay ka wada hadleen xiriirka labada dhinac, dhaqaalaha iyo horumarada dhanka amniga.

Wakaalada MENA ayaa xustay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo dhaweeyay doorka Dowladda Masar ay ka qaadaneyso taageerida Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiira geliyay dhigiisa Masar in labada Dowladood ay iska kaashadaan arrimaha Ganacsiga iyo dhaqaalaha Dalalka Soomaaliya iyo Masar.