Muqdisho ( Sh. M. Network):-Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Kiiskii dhiibista Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayaa sheegay in uu ku raacsan yahay go’aankii Baarlamaanka eek u aadanaa in ay qalad ahayd tallaabadaasi ayna ka dambeeyeen Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed.

Go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya ee arrinta Qalbi Dhagax waxaa ka horreeyay go’aan kale oo Xukuumadda ay ku taageerayaan in uu Sax ahaa Mowqifkaasi dhiibita Qalbi Dhagax islamarkaana uu ahaa Hoggaamiye dhibaato ku ahaa Amniga Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Wadahadalladii Dowladda Dhexe iyo Soomaaliland ayuu sheegay in ay dib u billaabayaan Wadahadalladaasi.

Sidoo kale waxaa la weydiiyay ballan qaadkiisii ku aadanaa in aan Waddo loo xiri doonin ayuu tilmaamay in tallaabadaasi ay uga golleeyihiin sidii ammaanka shacabka loo xaqiijin lahaa loogana hortagi lahaa weeraro ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay Wareysigaan siiyay Idaacadda BBC Laanteeda Afka Soomaaliga ah.