INDIA-AFRICA-POLITICS

Kampala ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo ka hadlayay kulan uu la yeeshay Safiirada u fadhiya Uganda 6 dal oo caalamka ah ayaa sheegay in sababta xilligani ciidamada AMISOM uga soo baxayaan Soomaaliya ay tahay dhaqaalo daro soo food saartay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Mudane Museveni ayaa hoosta xariiqay in Soomaaliya xilligani u baahan tahay garab istaag dhan walba ah, balse aysan suuragal ahayn in ciidamada AMISOM ay sii joogaan Soomaaliya arrimo la xariira wax uu ku tilmaamay Miisaaniyad xumo soo wajahday AMISOM.

Madaxweynaha Dalka Uganda oo sigaar ah ula hadlayay danjiraha dalka Uganda u fadhiya wadanka Germalka Dr Albrecht Conze  ayaa u sheegay in Midowga Yurub looga baahan yahay in ay xoojiyaan taageerada dhaqaale ee ay siiyaan Soomaaliya, si xal loogu helo xaaladaha Amni daro ee ka taagan gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in si xal loogu helo xaaladda ammaan daro ee ka jirta  Soomaaliya loo baahan yahay in si wadajir ah looga qeyb qaato.

Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay ee ciidamo ka socda Midowga Afrika u soo dira Soomaaliya, kuwaas oo ka qeyb qaata dagaalka lagula jiro Al Shabaab.