Baladxaawo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa booqasho ku tagay Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo .

Magaaladan ayaa dhawaan Xero Ciidan oo ku taalla waxaa Dagaal kula wareegay Xoogaga Xarakada Al Shabaab, kuwaasi oo sheegay in ay ku dileen tobanaan askari oo ka mid ahaa Ciidamada Maamulka Jubaland.

Ujeedka Madaxweynaha uu u tagay Magaalada Baladxaawo ayaa lagu sheegay in sidii uu wax badan uga ogaan la haa waxa fududeeyay Weerarkii ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baladxaawo ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan weerarkii lagu qaaday Xerada Ciidamada Maamulka Jubaland.

Magaalada Baladxaawo ayaa sidoo kale ku sugan Wasiirka Amniga ee Maamulka Jubaland, kaasi oo dhankiisa kulamo la qaatay Saraakiisha Maamulka Jubaland si uu wax badan uga ogaado Weerarkii Al Shabaab.

Xabsiga ku yaalla Magaalada Baladxaawo ayaa waxaa haatan ku jira tobanaan ruux oo ay ka mid yihiin Askar, kuwaasi oo lagu eedeeyay in Al Shabaab ay u fududeeyeen Weerarkii ay ku qaadeen Xerada Ciidamada Maamulka Jubaland.