Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” oo ka hadlayay duulaanka ka dhanka ah Al Shabaab ayaa sheegay in ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto shacab iyo dowlad dagaalka Al Shaabaab.

Waxaana uu tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay sidii Al Shabaab looga saari lahaa guud ahaan dlka.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa ka digay in la siyaasadeeyo dagaalkan, islamarkaana la’iska hor keeno shacabka iyo dowladda.

Waxaana uu shaaca ka qaaday in ay jiraan shaqsiyaad dano gaar ah wato oo doonaya in ay si kale uga faa’iideystaan arrintan.

Madaxweynaha ayaa bishii hore ee October ku dhawaaqay dagaalka Al Shabaab, kadib qaraxii Zoobe, waxaana tan iyo markaas ay dowladdu waday abaabul ka dhan ah Al Shabaab.