Muqdisho (Sh. M. Network)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo ku Geeriyooday Magaalada San Diego ee Dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Marxuum Cabdiraxmaan Diblumaasi rug cadaa ah oo daadaal iyo wakhti dheer galiyay kobcinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Caalamka.

“Alle ha u naxariistee, Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxa uu ahaa shakhsi muddo dheer u soo shaqeeyey Dalka, Marnaba ma ilaawi doonno kaalinta uu ka qaatay kobcinta maqaamka iyo magaca Soomaaliya ay ku leedahay Caalamka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Marxuum Cabdiraxmaan ayaa dowladdii dhexe ka soo qabtay xilal kala duwan, sida Ra’isul Wasaare ku xigeen, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo muddo kor u dhaafaysa 10 sano uu soo hayay xilkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marxuumka Alle uga baryay Naxariis iyo Dambi dhaaf, samir iyo iimaanna uu ka siiyo Qoyska, Qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.