Gaalkacyo ( Sh. M. Network):-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaai Farmaajo ayaa ku wajahan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Waxaana soconeysa qaban qaabo ballaaran oo ku aadan soo dhaweynta Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ugu baaqay Bulshada Maamulkiisa in aan loo kala harin soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo islamarkaana ay shacabka Galmudug  u muujiyaan Madaxweynaha dib u dhaca ka jira deegaanada Galmudug si uu ugu gacan siiyo wax ka qabashada xaaladaha cakiran ee ka jira deegaanada Galmudug si ay ula jaan qaadaan bulshada inteeda kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhaweyn ballaaran loogu sameeyay Deegaanada Maamulka Puntland, waxaan haatan lagu wadaa in uu booqashooyin ku soo kala bixiyo deegaanada Maamulka Galmudug.