Addis Ababa (SMN) -Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa shir-gaar ah kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guiteres, waxayna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee QM Mudane Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle), Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Mudane Cali Shariif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha Musane Balal Cusmaan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Quruumaha Ka dhaxeysa ayaa sidoo kale isku soo hadal qaaday Eryiddii Wakiilkii Qaramada Midoobay Nicholas Haysom iyo sidii dhaqso loogu soo magacaabi lahaa wakiilka bedali doona.

Antonio Guiteres Xoghayaha Guud ee QM ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo u ballan qaaday in ay Qaramada Midoobay ay sii xoojin doonto wadashaqeynta Soomaaliya, illaa laga xaqiijinayo yoolka ay Soomaaliya leedahay.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa xalay kulan la qaatay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Africa oo uu maanta magaalada Addis Ababa uga furmi doono shir madaxeedkii 32-aad ee hoggaamiyeyaasha Africa.

Shirkaasi ayaa diirada lagu saari doonaa Qaxootiga Africa ah iyo sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen dalalka ay ku nool yihiin.

Sidoo kale shirka hoggaamiyeyaasha Africa waxaa looga hadli doonaa sidii loo joojin lahaa isticmaalka bacaha oo faro ba’an ku haya dalalka qaaradda, inkastoo ay shacabka ku nool dalalka¬† bacaha laga isticmaalo ku andacoonayaan madaxdu in ay keenaan bacaha wixii lagu bedali lahaa inta aan la joojin ka hor.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeedin doona shir madaxeedka qaaradda Africa ee magaalada Addis Ababa waxa ayna khudbadiisa ku saabsan tahay arrimaha qaxootiga Africa, gaar ahaan kuwa Soomaalida iyo sidii loogu qaabayn lahaa nolol wanaagsan.