Muqdisho ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ku wajahan dalka Masar.

Safarka Madaxweynaha oo ku beegan maalinta beri ah ayaa  lagu soo warramayo in uu ku qotomo Casuumaad uu ka helay dhigiisa Masar Cabdifitaax Alsiisi si uu uga qeyb galo shir looga hadlayo Arrimaha Ganacsiga oo ka dhici doona Magaalada Sharma Al Sheekh ee dalkaasi Masar.

Shirkaan oo looga hadlayo Ganacsiga Africa ayaa waxaa ka qeyb gali doono illaa 5 Madaxweyne oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Bishii August ee sanadkaan ayey ahayd markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu booqasho rasmi ah ku tagay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar.